![]() |
Malcaamadani waa barnaamij kheyri ah, oo aan dheef-adduun laga doonaynin, ujeedada loo sameeyayna ay tahay:
Waxa noo qorsheysan Inshaaa Allaah mustaqbalka dhaw in aanu diyaarino casharo dhameystiran oo toos(Online) iyo duubniinba(Offline) ku baxaya, si muslimiinta soomaaliyeed diintooda wanaagsan ugu helaan hab walba, markaa ka sii faa'iideysta casharadani aanu idiinka soo xulnay YouTube Channels-ka...
Waxa aanu sida oo kale idinku baraarujinaynaa Casharada ama Kutubta ku jira malcaamadani annagu maanu sameynin, mana aanu diyaarinin, laakiin waanu soo kala xulnay, una kala habeynay qaybihii ay barashada diintu ka koobnayd.
Hadaba casharadani ama kutubtani duuban waxa aanu ka soo qaadanay channel-lo ay dad soomaaliyeed oo khayr badani soo geliyeen meelaha ay ku leeyihiin barta youtube, taa macnaheedu maaha In aanu ku xadgudubnay xuquuqdii channel-daasi iyo duruustaasi ay wakhtiga geliyeen:
Hadaba hadii ay dhacdo in channels-kaasi qaarkood dhibsadaan baahintani, ama u arkaan xadgudub, fadlan fariin noogu soo dir qaybta fariimaha, sida u dhakhsaha badan ayaanu uga saari doonnaa baahintaasi...