Sheekh Maxamed Cumar Dirir

Sheekh Maxamed Cumar Dirir

Short Info

Experience:

Total: 294 Lesson(s)

Website: https://www.youtube.com/channel/UCfzdc9P239O9YbsRz

Biography

Sheekhu wuxuu ku dhashey Kililka Shanaad ee Ethiopia sanadkii 1963kii meesha loo yaqaan Dalooburey ( halka ay iska galaan deegaanka Oromada iyo Soomalidu). Sheekhu isagoo aad u yar ayaa aabihii ka kexeeyay Dalooburey oo geeyey waddanka Somaliland oo kana bilaabay Sheekhu barashada Quraanka Kariimka, macalin quraankiisi ugu horeeyay wuxuu ahaa aabihii Sheekh Cumar Dirir.


Aabihii wuxuu ahaa Sheekh caan ah, waxaanu dhigi jirey culuumta Islaamka, waxaanu ka dhigi jirey Ethiopia, Somaliland gaar ahaan gobolada Somaliland ee Hargeysa, Berbera iyo Ceerigaabo.


Sheekh Dirir wuxuu aabihii geeriyooday Sheekha oo ah 19 jir. Waxa jirtay in Sheekha aabihii in ku ducaysan jiray odhana jiray dadka igu duceeya  in Ilaahey isiiyo Wiil iga dhaxla Cilmiga.

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir waa Curudkii Aabihii ama Curadkii reer Sheekh Cumar Dirir halkaana waxa ka cad Azharin baryadii aabihii Ilaahey baryey uu Alle u aqbaley.


Sheekh Maxamed  wuxuu ka qaatey aasaasiyadka culuumta shareecada Islaamka ee kala duwan aabihii sida Fiqiga, Xadiiska iyo Naxwaha, sidoo kale wuxuu ka qaatey culimo waaweyn oo Ethiopian ah gaar ahaan qowmiyadda Oromada.


Wuxuu ka bartey Luuqada Carabiga macalimiin Masaari ah oo loo soo direy Soomaaliya, sidoo kale wuxuu Sheekhu wax ka bartey culimo kasoo qalin jabisey Jaamacadaha Sucuudiga, sidoo kale wuxuu Sheekh Maxamed wax ka bartey Madaariskii Diiniga ahaa ee wakhtigaas ku yaalay Hargeysa.


Sannadkii 1996kii Sheekhu wuxuu tagey Jaamacad ku taala waddanka Koonfur Asiya ee Baakistaan Mageceedana la dhaho Jaamicatul Wifaaq al Islaamiya halkaas oo uu ka qaatey shahaadada Maajisteerta ee Daraasaadka Islaamka iyo Luuqada Carabiga.


Sannadkii 1999kii Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir wuxuu booqdey dalka Masar waxaanu la kulmey culimada dalka Masar gaar ahaan Sheekhul Azhar, waxaanu dawro cilmi ah ku qaatey Jaamicatul Azhar. Sheekhu wuxuu ku talax tagey in badan oo ka mid ah qeybaha kala duwan ee shareecada Islaamka isagoo in badan ku qaatey xalaqadaha kala duwan ee Masaajidada. Sheekhu wuxuu bilaabey dacwada bilawgii sideetanaadka qarnigii tagey isagoo dadiisu aheyd 19 jir.

Dhaqdhaqaaqiisa Dacwadeed


Sheekhu waa daaci weyn, waa Imaam, waa Khadiib, waa macalin masaajidka wax ka dhiga Nuurul Huda, waana maamulaha Maxkamadda Shareecada Islaamka ee Hargeysa, waana Madaxa Fatwada ee Somaliland.

Tixraac: http://waxsansheeg.com/?p=60867

 

Lesson List

© 1441 Malcaamad.Online