Hadii muuqaalka Barnaamijkani kuu fiicnaan waayo, kala soo deg halka hoose...
Ku dhufo halkani Download
Taabo halkani si aad u aragto, qaabka loo isticmaalayo...
Qur'aanku waa hadalkii Illaaha Weyn ee Wanaagsan, waa hadalkii abuuraha wax kasta oo abuuran, hadaba si aad u xifdido hadalkaa qiimaha badan, waa in aad isu diyaarisaa, oo aad sameysaa diyaargaraw dhameystiran.
Hadii aad go'aansatey in aad xiftido Qur'aanka fadlan qaad talaabooyinkani:
- Soo weysayso mar kasta oo aad xiftiga bilaabayso.
- Tag oo fadhiiso meel aan buuq iyo sawaxan lahayn, isla markaana aanay joogin ama oollin wax aragaaga ama maqalkaaga mashquulin kara.
- Ku diyaarso goobtaasi waxyaabo kugu dhiirigelin kara inaad mudo fadhiyi karto, sida: Udgoon aad marsato ama shidato, Biyo ama Sharaab aad cabto, Iyo wax kasta oo aad u aragto inuu qayb ka noqon karo dhiirigelintaada...
- Dooro mid ka mid ah qorshe-xiftiyeedyadani:
-
- Maalintii 5 aayadood xifti, kuna tuko salaad kasta maalintaasi...
- Maalintii 10 aayadood xifti, kuna tuko salaad kasta maalintaasi...
- Maalintii 15 aayadood xifti, kuna tuko salaad kasta maalintaasi...
- Maalintii 20 aayadood xifti, kuna tuko salaad kasta maalintaasi...
- Maalintii 1 bog ama safxad xifti, kuna tuko salaad kasta maalintaasi...
